Dagaallo ka dhacay duleedka Muqdisho oo qasaare dhaliyay.
Soomaalinews.com 09 Oct 12, 05:41

Dagaallo culus oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda Federaalka oo taagero ka helayay kuwa AMISOM iyo Xarakada Alshabaab oo dhan ah uu ka dhacay Deegaanada duleedka Magaalada Muqdisho.

Dagaalada ayaa ka dhacay Deegaanada Lafoole iyo Xaawo Cabdi halkaasoo ay weerar ku soo qaadeen dagaalyahano ka tirsan xarakada Alshabaab.

Dagaalka labada dhinac u dhaxeeyay ayaa la isku dhaafsanayay hubka noocyadisa kala duwan iyadoo dagaalka ee barbar socotay duqeymo culus oo ku dhacayay goobo ka baxsan aagaga dagaalada.

Lama oga qasaaraha kala gaaray labadii dhinac ee dagaalamay, xaalada goobihii lagu dagaalamay xalay ayaana saaka caadi ah wax saan saan colaadeedna kama jiraan goobahaasi.

Afhayeen u hadlay Xarakada Alshabaab ayaa sheegay dagaalkii xalay inay kaga gubeen ciidamada AMISOM gaari Tow ah, islamarkaana qasaare gaarsiiyeen gaari kale oo nooca Cabdi Bilaha ah dagaaladaasina guulo ka gaareen.

Xarakada Alshabaab ayaa kordhisay weerarada xiliyada habeenkii eek u soo qaadaan Fariisimaha Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM kaga sugan yihiin Magaalada Muqdisho iyo deegaanada duleedka Muqdisho.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698