Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ambabaxay Dalka Ugandha.
Soomaalinews.com 08 Oct 12, 11:22

Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Airport isagoo ku sii jeeda magaalada Kampala ee Dalka Ugandha.

Safarka madaxweyne Xasan Sheekh oo ay ku wehliyaan Wasiiro ka tirsan Xukuumaddii hore, Taliyaha Ciidamada xooga dalka Soomaaliya, Agaasimaha Nabad sugida, Xildhibaano iyo Saraakiil kale.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in Magaalada Kampala ee Dalka Ugandha uga qeyb galayo sanad guuradii 50 aad ee ka soo wareegtay Xoriyada dalka, waxaana uu kullamo la qaadan doonaa Madaxweynaha dalkaasi Yuweri Musaveni iyo Jaaliyada Soomaalida.

Ugu danbeyntii waa safarkii ugu horeeyey ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh ugu amba baxo dalka dibadiisa markii la magacaabay xilka Madaxtinimada Soomaaliya Bishii hore 10-keeda.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698