Bam lagu weeraray Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.
Soomaalinews.com 08 Oct 12, 09:40

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Xaafada Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa duhurnimadii maanta lagu weeraray Bam gacmeed sababay dhimasho iyo dhaawac.

Weerarkan bambaano ayaa lala beegsaday goob ay ciidamada dowladdu ku sugnaayeen oo xarun ciidan ah wuxuuna sababay bamkaasi qasaare soo gaaray askarta la weeraray.

Rasaas ay fureen ciidamada dowladda iyadoo Bamku uu waxyeello u geystay askarta waxaana la sheegay in Hal qof oo rayid ah uu ku dhaawacmay rasaasta.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Saldhiga Degmada Huriwaa ayaa saxaafadda u sheegay inay dhowr qof u qabteen weerarkan, kuwaasoo uu sheegay in baaritaan lagu samaynayo.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698