Maxaa keenay in gaadiidleyda Muqdisho iyo Afgooye ay shaqadii joojiyaan (Warbixin).
Soomaalinews.com 08 Oct 12, 12:04

Wadayaasha Gaadiidka loo yaqaano BL-ka dadweynaha isticmaala wadada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa la soo sheegaya inay maanta shaqadii joojiyeen kadib markii qaar ka mida Ciidamada Dowladda ay isbaarooyin sharci daro ay u dhigtaan Gaadiidka Bl-ka ee isaga goosha gudaha Magaalada Muqdisho iyo Afgooye, taasoo gaadiidka Bl-ka ay sheegeen in looga qaadayo lacago aan sharci ahayn, dadweynuhu lagu baarto.

Wararka maanta naga soo gaaray ayaa sheegay in Isbaarooyinka ay Ciidamadu dhigteen goobo ka mid ah Calamada, Xaawo Cabdi, Lafoole oo ka mid deegaanadii horay loogu barakacay ee duleeda Muqdisho, iyadoo ay taas u sii dheer tahay lacago lagaga qaado Koontaroolka Baar Ismaaciil lagu kordhiyey maanta.

Darawalada gaadiidka Bl-ka ayaa sheegay inay dhibaato ku qabaan lacagaha sharci darada ee laga qaado gaadiidka, waxaana ay sheegeen in ashtako ay u gudbiyeen Saraakiisha Dowladda wax laga qaban waayay, laakiin lacag kordhinta maanta sida ay tilmaameen ka timid amar Guddoomiyaha Degmada Afgooye ee dowladda Federaalka Soomaaliya oo qiimaha lacagta gaadiidka laga qaado gaarsiiyey 100-kun Shilin Somali.

Sidoo kale hab dhaqanka Ciidamada ee ku aadan isbaaro dhigashada ayaa ah kuwo soo noq noqday, waxaana jirin tallaabo muuqata oo saraakiisha Dowladda u qaadeen wax ka qabashada falalkaas.

Wadada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda ayaa haddana waxaa lagu soo warramayaa inay yihiin goobaha ugu amniga xun, waxaana dhacda in Ciidamadu laftigood ka geystaan dhac iyo baarasho oo ay kula dhaqaaqaan gaadiidka iyo dadka saaran.

Ugu danbeytnii Mas’uuliyiinta Dowladda ayaa marar badan oo hore sheegay inay wax ka qabanayaan falalka isbaarada, hase yeeshee waxba kama aysan suurta gelin ballan qaadyadooda, balse maalinba maalinta ka danbeyso waxaa soo badanaya Isbaarooyinka ay Ciidamada ay soo dhiganayaa meelkasta ay u maleeyaan inay dhaqaale ka heli karaan.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698