Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari iyo Raisul wasaaraha cusub Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa xalay kulan wadajir ah la qaatay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, waxayna mudanayaasha Baarlamaanka qaarkood kala tashanayeen dhismaha Xukuumadda cusub ee la filayo in dhawaan ay Soomaaliya yeelato.
Ra’isul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon oo kulanka ka hadlay yaa ugu horeyn waxa uu tilmaamay in u jeedadiisu tahay inuu kala tashto mudanayaasha Baarlamaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Xukuumadda cusub ee uu soo dhisayo kulankanna uu qeyb ka yahay la tashiyada uu sameynayo.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari oo isna kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in Mudanayaasha Baarlamaanka laga doonayo inay aragtidooda u soo gudbiyaan Ra’isul wasaaraha cusub mar haddii uu fursad u siinayo inuu si koox koox ah taladooda ku aadan Xukuumadda cusub uga dhageysto.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kulanka khudbad ka jeediyay ayaa xusay inay lagama maarmaantahay in talo la iska weydaarsado talaabooyinka la qaadayo dhismaha Xukuumadda iyo mustaqbalka dalka, dadka iyo diinta, wuxuuna Madaxweynuhu ku booriyey Xildhibaanada kulanka ka qeybgalay inay xusuusnaadaan fursadda hortaala iyo shacabka Soomaaliyeed xilligan waxa ay ka dhowrayaan, wuxuuna kula dardaarmay inay talo fiican siiyaan Ra’isul wasaaraha, isla markaasna ay sameeyaan la shaqeyn wanaagsan oo dhanka Xukuumadda ah.
Xildhibaanada Baarlamaanka ee kulanka ka qeybgalay qaarkood oo hadalo ka jeediyay madasha ayaa xusay in go’aanka ugu dambeeya ee dhisidda Golaha Wasiirada uu dalku yeelanayo ay u madax banaanyihiin Madaxda Sare ee dalka si gaar ahna Ra’isul wasaaraha uu u madaxbanaanyahay dhismaha Xukuumadda cusub, iyaguna ay si niyad ah u soo dhaweynayaan Xukuumadda la soo dhiso.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com