Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in wafdi ka socda urur goboleedka IGAD ay soo gaareen magaalada Muqdisho, kuwaas oo kulan la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay kala hadleen maamul u sameynta magaalada Kismaayo iyo guud ahaan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.
Sida warku sheegayo wafdiga ka socday urur goboleedka IGAD ayaa waxaa ka mid ah mas’uuliyiin ka socotay dowladda Kenya, kaas oo Madaxweyne Xasan Sheekh si gaar ah uga codsaday in maamulka cusub ee loo sameynayo magaalada Kismaayo iyo gobolada Jubbooyinka tixgelin-gaar ah laga siiyo ururka Raaskambooni oo sida ay yiraahdeen halgan-dheer u soo galay sidii lagu xoreyn lahaa goboladaasi, isla markaasna maamulka halkaasi looga dhawaaqi doono Madax looga dhigo Sheekh Axmed Maxamed Islaam {Axmed Madoobe} oo ah Guddoomiyaha Ururka Raaskambooni.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in Madaxweynaha Soomaaliya uu ka gaabsaday codsiga uga yimid dowladda Kenya, wuxuuna u sheegay wafdigii Kenyaantiga ahaa in arrintaasi ay u xilsaarantahay Xukuumadda cusub, isagu keligiisna uusan wax go’aan ah ka bixin karin hadda, isagoo dhinaca kale ku taliyey inay haboontahay in dadka goboladaasi ay dhammaantood kulan isugu yimaadaan ciddii ay rabaan u dhiibtaan maamulka.
Dhinaca kale intii wafdiga ka socday IGAD ay Madaxweynaha la joogeen madaxtooyada garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ka socday kulan u dhexeeyay odayaal ka socday shan beelood oo ka mid ah kuwa dega Jubbooyinka iyo saraakiil ka tirsan xafiiska Midowga Afrika iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee UNPOS, sidoo kale xubno ka socday saraakiisha AMISOM, waxaana kulankaasi looga hadlay arrinka Kismaayo iyo gobolada Jubbooyinka sidii maamul ay dadka doonayaan loogu sameyn lahaa.
Kulanka garoonka ka dhacay waxaa looga hadlay talo ay keeneen odayaasha shantan beelood ee kala ah;- Shiikhaal, Gaaljecel, Gaadsan/Dir, Cawrmale iyo Jareerweyne {beesha Shanaad}, kuwaas oo soo gudbiyey dhaliilo ay ka qabaan howlgalka ciidamada Kenya ee Kismaayo iyo in dadka deegaankaasi u dhashay qaarkood aaney kaalin ku laheyn dhaqdhaqaaqyada ka jira Jubbooyinka, sidaasina waxaa sheegay mid ka mid ah odayaashii kulanka kaga qeybgalay.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com