Waxa goordhow laga soo dejiyay garoonka Berbera meydka allah u naxariistee Abawaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) oo dhawaan ku geeriyooday dalka Norwey.
Meydka Abawaanka oo ku dedan yahay calanka Somaliland ayaa markii diyaarada laga soo dejiyay, waxa la saaray gaari loogu talagalay oo goobta yaalay.
Waxa lagu wadaa in maanta lagu aaso meydka abwaanka magaalada Hargeysa halkaasoo ay ka soo qeybgali doonaan madaxda maamulka Somaliland iyo shacab badan oo qaar ka yimid dalka dibediisa.
Qabanqaabada aaska abawaan Gaariye ayaa maalmahan waxa ay ka socotay magaaladsa Hargeysa iyadoo maamulka Somaliland ay u xil saareeyn golle wasiiro ah.
Aaska Abwaan Gaariye ayaa dartiis golaha wasiiradda Somaliland waxa ay u baajiyeen kulan ay yeelan lahaayeen maanta oo Isniin ah.
Sidoo kale waxa la fasaxay dhammaan ardaydii wax ka baranayay Jaamacadaha Camuud, Hargeysa iyo Jaamacadda Gabileey.
Kumanaan qof ayaa hadda waxa ay ku sugan yihiin xabaalaha Xeedho oo lagu wado in lagu aaso meydka abwaanka aqoonyahanka ahaa ee Gaariye .
Allaha u naxariisteen Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) ayaa geeriyooday30kii bishii hore, kaddib markii uu xannuun in ka badan halsano uu la jiifay isbitaal ku yaalay dalka Norwey. Abwaanka ayaa waxa uu ka mid ahaa abwaanada caanka ka ah dhulka Soomaalidu degto, wuxuuna ka mid ahaa macalimiinta wax ka dhiga Jaamacaddaha Hargeysa Gabiley iyo Camuud.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com