Ciidamada Kenya oo xoog ku dagay Jaamacada Kismaayo.
Soomaalinews.com 08 Oct 12, 06:25

Wararka ka imaanaya Kismaayo waxay tibaaxayaan in Ciidamada Kenya ee ku sugan magaaladaasi ayaa si xoog ah ku deggay dhismaha xarunta Jaamacada weyn ee magaalada Kismaayo, ayadoo arrintaasi ay saameyn ballaaran ku yeelatay howlo Jaamacada.

Ciidamo aad u fara badan oo Kenya ka tirsan oo wata Taangiyo iyo gaadidka dagaalka ayaa fariisimo iyo dhufeysyo ka qotay gudaha iyo daafaha Dhismaha Jaamacada.

Maamule ku xigeenka Jaamacada magaalada Kismaayo ayaa sheegay in howlihii waxbarashada ee Jaamacadda uu gabi ahaanba istaagay, ayadoo ay arrintaasi ugu wacantahay Ciidamada Kenyaanka ah oo dhex degay dhismaha Jaamacada.

Ugu danbeyntii Ciidamada Kenya iyo kuwa Dowladda Federaalka soomaaliya iyo Raaskambooni ayaa lagu eedeeyey inay dhibaato joogto ah ku hayaan dadka rayidka ku nool Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698