Guddoomiyaha Shirkadda Dahabshiil Maxamed Siciid Ducaale ayaa shaaca ka qaaday lacageed dhan $120,000 (BOQOL IYO LABAATAN KUN DOLLLAR-KA MAREYKANKA) ah Shirkaddu gaarsiinayaan dadka Fatahaada Wabiga Shabelle saameeyey ee ku firxaday duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.
Guddoomiyaha oo Laanta Afka Somaliga BBC-da kula hadlay Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay lacagahaasi ugu deeqeen dadka Soomaaliyeed ee Fatahaada Wabiga Shabeelle dhibaatada gaarsiiyey, isagoo sheegay inay lacagahaasi u marinayaan Shaqaalaha shirkadda Gobolka Hiiraan iyo masuuliyiin kale.
Lacagahaasi ayuu sheegay Guddoomiyuhu in agabyo kala duwan oo isugu jira Dhar, Raashiin, Biyo Nadiif ah iyo waxyaale kale ugu iibinayaan dadka ay saameeyeen Wabiga shabeelle ee dhawaan Fatahaada iyo daadadka sameeyey.
Shirkadda Dahabshiil ayaa ku caanbaxday u gargaarida Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo horay deeqo noocaan oo kale ah ugu yaboohday dadka ay saameeyeen abaarihii ka dhacay gobolada Koonfurta Soomaaliya iyo waliba deegaano fara badan oo ka tirsan Deegaanada Somaliland.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com