Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo ku dhawaaqay Raiisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya.
Soomaalinews.com 06 Oct 12, 15:02

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ayaa waxay sheegayaan in goordhow Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Prof: Xasan Sheekh ku dhawaaqay Raiisul Wasaaraha cusub ee Dalka Soomaaliya mudada Afarta sano ah ee soo socota.

Cabduqaadir Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya, iyadoona uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wariye ku sugan Madaxtooyada Villa Somalia ayaa noo xaqiijiyey in Madaxweynaha si rasmi ah ugu dhawaaqay Cabduqaadir Faarax Shirdoon (Saacid).

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698