Kullan loogu magac daray Dardaaran oo maanta Xildhibaanada Baarlamanka iyo Odayaashii soo xulay ku yeeshay Muqdisho.
Soomaalinews.com 06 Oct 12, 14:29

Kulan si weyn loo soo agaasimay ayaa Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho Kulankaas oo loogu magac daray Dar-daaran.

Kulankan oo ay ka soo qayb galeen Xildhibaanada iyo qaar ka mid ah odayaashii soo xulay Xildhibaanada Barlamaanka ayaa waxa ay odoyaashu sheegeen in dhawaan ay ku laaban doonaan Deegaanadii ay ka yimaadeen.

Odayaashan oo halkaa hadalo Dar-daaran u badan ka soo jeediyay ayaa waxa ay ka codsadeen Xildhibaanada Barlamaanka in cadaaladda ay hor mariyaan islamarkaana iska ilaaliyaan wixii maamul xumo iyo laaluush ah oo horseedi kara in dowladda Fashil ku yimaado.

Odayaasha ayaa kula balamay Xildhibaanadaas in ay qaadeen xil culus isla markaana loo baahan yahay in xilkaas ay u gutaan sida uu yahay mar walbana looga fadhiyo sidii ay uga shaqayn lahaayeen horumarka Dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari oo kulankaas Guddoominayay oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in Amaano ay xanbaarsan yihiin xildhibaanada isla markaana loo baahan yahay in amaanadaas ay u gutaan sida ay tahay.

Kulankan oo ka dhacay Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu dheeraday sidii loo sii dhamays tiri lahaa Hay’adaha dawladda isla markaana looga shaqayn lahaa sidii Barlamanku u meel marin lahaa sababihii loo igmaday.

Odayaasha ayaa sheegey in ay ku guuleysteen in ay soo xulaan xildhibaano aqoon yahano ah iyagoo ilaalinayay Shuruudihii lagu soo xulyay Xildhibaanka.

Guddoomiyaha Barlamaanka oo khudbad dheer halkaa ka jeediyey ayaa sheegey in afarta sano ay oo ay hayaan xilkaas in ay ku dadaali doonaan sidii uu Baarlamaanka Soomaaliya waajibaadka hor yaala uu u fulin lahaa.

Ugu danbeyntii kullanka Maanta Odayaasha Dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ee soo xulay Baarlamanka ayaa ah kulankoodii ugu horeeyey ee ay labada dhinac wada yeeshaan.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698