Kullan looga hadlay Amaanka Magaalada Muqdisho oo maanta hayadaha Amaanka ku yeeshay.
Soomaalinews.com 06 Oct 12, 14:07

Kulan Ballaaran oo ay ka soo qayb galeen Hayadaha ammaanka ayaa Maanta waxaa uu ka dhacay Xarunta Iskuul Bulisiyo ee magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay Wasiirka gaashaan dhigga ee Xukuumaddii ku meel gaarka ahayd Xuseen carab Ciise.

Xuseen carab ayaa sheegey in maanta marka laga bilaabo inaan la ogolaan Karin in Hub si sharci dara ah loo sito Magaalada lala dhex maro isla markaana aan la samayn Karin Banaan baxyo aanay ogeyn iyaga.

Tallabadan ay Maanta Guddoomiyeen ayuu ku sheegay Sii hayaha Xilka wasiirka gaashaan dhigga in ay tahay mid lagu sugayo ammaanka guud ee Magaalada Muqdisho isagoona intaa sii raaciyay in Hayadaha ENG-da Hubkooda la sharciyeen doono.

Sidoo kale Waxaa isaguna kulankaa ka hadlay Wasiirka arrimaha gudaha ee Xukuumaddii ku meel gaarka Soomaaliya c/samad Macalim maxamuud oo sheegay in marka manta laga bilaabo ay bilaabayaan hawl galo habeen iyo maalin soconaya.

C/samad ayaa intaa ku daray in nabadgelyadii Muqdisho ay maalmahan danbe ka soo reyneysey isla markaana ay sii wadi doonaan Hawl galada ay ku xaqiijinayaan amaanka Magaalada.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa hoosta ka xarriiqay inaan la ogolaan doonin in hub si sharci darro ah Magaalada lala dhex maro cidii lagu qabtana sharciga la hor keeni doono.

Wasiirka ayaa sheegay in Ciidamada heegan buuxa la geliyay isla markaana aan la ogolaan doonin dabbaal degyo iyo Rasaas si maalaayacni ah loo ridayo.

Sidoo kale waxaa iyaguna halkaa ka hadlay taliyayaasha Ciidamada Milateriga iyo kan Booliska kuwaasoo sheegey in Ciidamada qalabka sida ay diyaar u yihiin fulinta sharcigan cusub iyadoo taliyaha Ciidanka Booliska uu si gaar ah Baaq ugu diray Gaadiidleyda kana codsaday in Gaadiidkooda ay ku Xiraan Taarggo.

Ugu danbeyntii kulankan maanta ay isugu yimaadeen Hayadaha Ammaanka ayaa waxaa uu imaanayaa xilli muddooyinkii u danbeeyay ay Magaalada Muqdisho ku soo badanayeen Dilalka iyo qaraxyada wallow maalmihii u danbeeyay wax xoogaa is bedel ah la dareemayo.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698