WAR DEGDEG AH: Weerar Ismiidaamin ah oo goordhow ka dhacay degmada Afgooye.
Soomaalinews.com 06 Oct 12, 11:57

Warar naga soo gaaray Degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in goordhow ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo uu fuliyey qof naftii hore ah.

Qaraxa ayaa ka dhacay goob ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka iyo Ciidamada AMISOM ee howlgalada ka wada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Weerarka ismiidaaminta ah ayaa waxaa fuliyey Ruux naftii hore ah kana tirsan Xarakada Alshabaab sida uu sheegay sarkaal dhanka warfaafinta u qaabilsan Xarakada Alshabaab.

Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka Ismiidaaminta ah ee lagu qaaday goob ay ku sugnaayeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Warkan wixii ku soo kordha la soco.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698