Wararka naga soo gaaraya Magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in maanta duleedka magaaladaasi dagaal culus ku dhexmaray Ciidamada AMISOM ee la wareegay magaaladaasi iyo Xarakada alshabaab.
Dagaalka ayaa maanta barqadii ka dhacay deegaan lagu magacaabo Buufow oo duleedka kaga beegan Magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose, halkaasoo ay weerar culus ku qaadeen kolonyo gaadiid ah ciidamada AMISOM.
Wararka ayaa sheegayaan dagaalka inuu socday muddo saacad ku dhow, iyadoona dadka deegaanadaasi ku dhow ay maqleen daryanka madaafiicda iyo hubka kale ee labada dhinac dagaalada u adeegsadeen.
Xarakada Alshabaab Sarkaal u hadlay ayaa sheegay inay ciidamadooda weerarka fuliyeen, wadadana u galeen ilaa 11 gaari oo ay la soceen Ciidamada AMISOM kuwaasoo ka soo baxay Magaalada Marka kuna sii jeeda dhanka Magaalada Muqdisho.
Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalada culus ee maanta barqadii Ciidamada AMISOM iyo kuwa Xarakada Alshabaab ku dhexmaray deegaanka Buufow ee ka tirsan gobolka Sh/hoose.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com