Warar sheegaya in Madaxweynaha uu saxiixay Wareegto lagu magacaabayo Raiisul Wasaaraha Cusub (Warbixin Xasaasi ah).
Soomaalinews.com 06 Oct 12, 09:08

Warar lagu kalsoon yahay oo goor dhow oo hadda ah naga soo gaaray Madaxtooyada Villa Somalia ayaa xaqiijinaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu saxiixay Wareegto lagu magacaabayo Raiisul Wasaaraha Cusub ee Dalka Soomaaliya.

Kadib markii sida uu sheegay madaxweyne Xasan Sheekh uu soo gabagabeeyey la tashiyo uu la sameeyey qeybaha kala duwan Bulshada soomaaliyeed iyo Siyaasiyiinta xilka Ra’iisul Wasaaraha oo ah kuwo aad u fara badan.

Warar ku dhow dhow Xafiiska Madaxweynaha ee Xarunta Madaxtooyada ayaa noo xaqiijiyey in C/qaadir Faarax Garaad kuna magic dheer (Saacid) uu Madaxweynuhu u xushay inuu noqdo Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee soomaaliya, iyadoona Wareegtada uu saxiixay madaxweynaha laakiin wali warbaahinta u shaacin.

Ninkan lagu magacaabo Saacid waxa uu qabaa xildhibaanad Caasha Xaaji Cilmi, isagoo ka soo jeeda Beesha Mareexaan Reer Diini waa reer Dalal, waxayna qoys wadaag aad isugu dhow yihiin Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamad C/laahi Maxamad Farmaajo oo aad loogu saadaalinayay in xilkaasi loo xusho.

Warkan oo faahfaahisan kala soco wixii ku soo kordha Soomaalinews.com.

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698