Iska horimaad xalay ka dhacay Magaalada Kismaayo.
Soomaalinews.com 06 Oct 12, 08:00

Dagaal culus ayaa habeenkii xalay ka dhacay Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose, kaasoo ay ku qaadeen Ciidamo ka tirsan Xarakada Alshabaab, iyadoo weerarkaas uu ka dhashay qasaarooyin dhimasho iyo Dhaawac.

Dadka Magaalada Kismaayo ayaa xalay sheegay inay maqleen rasaas culus iyo madaafiic kadib markii magaalada dhowr jiho ka soo weerareen Ciidamada Xarakada Alshabaab fariisimo Ciidamada Dowladda ay ku lahaayeen Magaalada.

Inta la ogyahay laba ruux oo dhinacyadii dagaalmay ayaa ku dhintay afar kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaalkaas oo socday muddo kooban.

Xaalada Magaalada Kismaayo ayaa saaka ah mid dagan, iyadoo Ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ay wadaan howlgalo baaritaano ah.

Xarakada Alshabaab ee weerarka soo qaaday kama hadlin dagaalada iska hor’imaadka ah ee xalay ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada Hoose.

Saraakiisha Xarakada Alshabaab ayaa waxay horay u sheegeen inay weerari doonaan fariisimaha iyo saldhigyada Ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ka sameystay Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada Hoose.

Ugu danbeyntii ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Saraakiisha Ciidamada dowladda ee la wareegay magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698