Boob xalay loo geystay goobo ganacsi oo ku yaala magaalada Kismaayo.
Soomaalinews.com 06 Oct 12, 05:47

Boob ayaa xalay loo geystay goobo ganacsi oo ku yaala Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada Hoose oo maalmo ka hor ay isaga baxeen Xarakada Alshabaab.

Waxaa xalay Boobka iyo Bililiqada baahsan ka dhacday goobo ganacsi oo ku yaala Magaalada Kismaayo gaar ahaan xaafada Calanley, waxaana boobkaasi ku kacay ragg ku labisan dareeska Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Goobaha dhaca loo geystay ayaa u badnaa goobo Carwooyin ah, iyadoo carwooyinka la dhacay ay ka mid tahay Carwo Arlaadi oo ka mid ah goobaha Ganacsiga Carwooyinka Magaalada Kismaayo ku yaala kuwooda ugu waa wayn.

Waxaa la tilmaamay in goobta ay soo gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka iyo kuwa Raaskambooni, kuwaasoo halkaasi ka sambeeyey howlgalo.

Dadka ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa saaka waxay hadal hayaan dhaca xalay loo geystay goobaha ganacsiga Xaafada Calanley.

Ugu danbeyntii waa dhacii ugu horeeyey Ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskambooni ka geystaan gudaha Magaalada Kismaayo oo ay dhawaan kala wareegeen dagaal yahanada Xarakada Alshabaab.

Si kastaba ha ahaatee Saraakiisha Ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskambooni way ka gaabsadeen inay faahfaahin ka bixiyaan dhaca iyo boobka xalay lagula kacay goobahaasi ganacsi ku yaala Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada Hoose.

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698