Bamgacmeed xalay lagu weeraray goob lagu Shaaho Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.
Soomaalinews.com 06 Oct 12, 05:47

Wararka ka imaanaya Magaalada Laascaanood gobolka Sool ee maamulka Somaliland ayaa sheegayaan goob lagu Shaaho lagu weeraray Bam-gacmeed sababay qasaare soo gaaray dadkii ku shaahayay Maqaaxidaasi.

Inta la ogyahay saddex ruux oo midi haweeney tahay ayaa ku dhaawacmay weerarkaasi Bam xalay lagu tuuray goobtaasi lagu Shaaho.

Goob joogayaal ku sugan Magaalada Laascaanood ayaa sheegaya inay tureen dhalinyaro ku hubeysnaa bamgacmeedyo kuwaasoo ka baxsaday goobtii qaraxa ka geysteen.

Waxaa goobta gaaray Ciidamada Amaanka Maamulka Somaliland, kuwaasoo howlgalo ka sameeyey xaafadaha Magaalada Laascaanood gobolka Sool ee Maamulka Somaliland.

Wararka waxay sheegayaan in qaraxyada ay daba socdeen rasaas ay fureen Ciidamada Amaanka, iyadoo rasaasta aysan geysan wax qasaare ah.

Dadkii ku dhaawacmay waxaa loo qaaday Isbitaalka Magaalada Hargeysa, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in qasaaraha intaasi ka sii badan yahay, mana jiraan wax faahfaahin ah oo ka soo baxay dhanka Taliska Ciidamada Booliska iyo Maamulka gobolka Sool ee Somaliland.

Ma jiro cid sheegatay masuuliyada qaraxyadaasi xalay lagu weeraray goobtaasi lagu Shaaho Magaalada Laascaanood gobolka Sool ee Maamulka Somaliland.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698