Dagaal Qaraar oo saacado badan qaatay oo xalay ka dhacay Garbahaarey.
Soomaalinews.com 06 Oct 12, 05:47

Wararka aan ka helayno magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay halkaasi dagaalo qaraar ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Ahlusunna Waljamaaca oo isku dhinac ah iyo Xarakada Alshabaab.

Dagaalada labada dhinac dhexmaray waxaa ka horeeyey tiro madaafiic ah oo lagu garaacay gudaha Magaalada Garbahaarey fariisimo ay ku leeyihiin Ciidamada dowladda iyo kuwa ahlusunna Waljamaaca kuwaasoo qasaare fara badan sababay.

Inta la ogyahay waxaa ku geeriyooday dagaaladaasi 6 ruux in ka badan 8 ruux kalena way ku dhaawacmeen kuwaasoo la dhigay isbitaalka Magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Magaalada Garbahaarey waxay ka mid tahay magaalooyinka dowladda Federaalka ay maamusho dhanka Gedo, laakiin dagaal yahanada Xarakada Alshabaab dhowr jeer ayay weerareen Magaaladaasi.

Dadka Magaalada Garbahaarey ayaa cabsi la soo daristay waxay sababtay inay saaka qoysas fara badan ka barakacaan Kuwaasoo ka cabsi qabo in mar kale dagaalo iyo duqeymo dhinacyadaasi dhexmaraan.

Guud ahaan Xaalada saaka waxaa la soo sheegayaa inay xasiloon tahay, in kastoo ay dhici karaan inay dib mar kale u dagaalamaan Ciidamada Ahlusunna Waljamaaca, Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo isku dhinac ah iyo kuwa Xarakada Alshabaab oo dhinac ah.

Saraakiisha Ciidamada dowladda gobolka Gedo ayaa sheegay inay qorsheynayaan in saacadaha soo socda ay qaadi doonaan weeraro ka dhan ah dagaal yahanada Xarakada Alshabaab oo deegaano fara badan oo gobolka ka tirsan wali ku sugan.

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698