Howlgalo lagu xirxiray 22 ruux oo xalay laga sameeyey Magaalada Wajeer.
Soomaalinews.com 06 Oct 12, 05:47

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Wajeer ee Waqooyi Bari Dalka Kenya ayaa sheegaya xalay howlgalo laga sameeyey magaaladaasi lagu xirxiray in ka badan 22 ruux oo isugu jira Soomaali, Suudaan, Itoobiya iyo Kenyaati, iyadoo dadka howlgalka lagu qabqabtay ay ku jiraan dad ganacsato ah.

Ciidamada Booliska iyo kuwa Militariga Kenya ayaa ka qeyb qaadanayay howlgalkaasi xalay laga fuliyey xaafadaha magaalada Wajeer ee Waqooyi Bari dalka Kenya.

Afhayeen u hadlay Ciidamada Booliska Magaalada Wajeer ayaa sheegay in howlgalkaasi ugu gal lahaayeen sidii loo xaqiijin lahaa Amaaka Magaaladaasi oo maalmihii la soo dhaafay faraha ka sii baxayay.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa tilmaamay inay sii socon doonaan howlgaladaasi isagoo sheegay inay dadkaasi u kaxeeyeen Saldhigyada laguna sameynayo baaritaano, isagoo xusay in ruuxii lagu helo Dambiyo la tiigsan doonaan Xukuno adag, halka dadka lagu waayo dambiyana ay sii dayn doonaan.

Ma ahan markii ugu horaysay Howlgalo ka sameeyeen Ciidamada Booliska iyo kuwa Militariga Dalka Kenya magaalada Wajeer ee Waqooyi Bari dalka Kenya halkaasoo ay ka dhaceen weeraro iyo dilal ka dhanka ah Ciidamada Kenya oo dhawaan la wareegay Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada Hoose.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698