Faahfaahino dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaalo iyo duqeymo maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo.
Soomaalinews.com 03 Oct 12, 11:14

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobbolka Jubada hoose ayaa sheegaya in dagaal culus uu maanta ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo, waxaana uu dagaalku bilowday kadib markii Ciidamo ka tirsan Xarakada Alshabaab weerar ku qaaday saldhigyo ciidan.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii ciidamada Xarakada Al-shabaab dhowr fariisin ay ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ka samaystay duleedka magaalada , waxana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la sheegay in labada Dhinac iyo dadka rayidka ah qasaare ka soo gaaray.

Dagaalka ayaa la sheegay in ilaa iyo hadda uu soo gaaray, waxaana gudaha magaalada Kismaayo laga maqlayey daryanka madaafiicda ay labada dhinac dagaalka loo adeegsanayey, waxaana la sheegay in dagaalkaasi uu ahaa dagaalkii ugu cuslaa ee ka dhaca Magaalada wixii ka dambeeyey markii Ciidamada Huwanta ah gudaha u galay magaaladaasi.

Dhinaca kale howlgal Magaalada Kismaayo ay ka sameeyeen Ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ayaa la tilmaamay inay gacanta ku soo dhigeen Sarkaal ka tirsan Xarakada Alshabaab.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigen Sarkaal lagu magacaabo Abuu Dayib, kana mid ahaa sida ay sheegeen Xarakada Alshabaab, waxaana lagu soo qabtay howlgalo ay ka sameeyeen Xaafadaha Magaalada Kismaayo Ciidamada Huwanta ah.

Ugu danbeyntii dagaalka maanta iyo howlgalada ka socda Magaaalada Kismaayo ayaa imaanaya xili dilal qorsheysan iyo qaraxyo siyaabo kala duwan uga dhacayey xalay xaafadaha Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada Hoose.

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698