Warar naga soo gaaray degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo Tababaadka dagalka ku hubeysan iyo hubka nuucyadiisa kala duwan ay u dhaqaaqeen Jihada magaalada Jowhar.
Dhaqdhaqaaq ciidan oo aad xoogan ayaa ka jira wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar, iyadoo dhanka degmada Jowhar la soo sheegayo in dhaqdhaqaaq ciidan ay halkaasi ka wadaan Dagaal yahanada Xarakada Alshabaab.
Masuuliyiinta maamulka Sh/dhexe dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa sheegay inay wadaan qorshayaal ay kula wareegayaan degmada Jowhar.
Ugu danbeyntii lama oga in dagaal yahanada Xarakada alshabaab inay dagaal kala hortagi doonaaan iyo in kale ciidamada Huwanta ah ee ku soo wajahan.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com