Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose waxa ay sheegayaan in Maamul KMG ah loo samaynayo Magaaladaasi oo maalintii shalay gudaha u galay.
Taliyaha Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya gobolada Jubooyinka Gen: Ismaaciil Saxardiid ayaa sheegay inaysan dhibaato ka dhici doonin Magaalada Kismaayo loona samaynayo maamul KMG ah.
“Magaalada Maamul KMG ah ayaa loo samaynayaa inta laga soo dhisayo maamul guud” ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya Gen: Ismaaciil Saxardiid.
Sidoo kale Gen: Saxardiid waxa uu sheegay inay goob kasta kula dagaalamayaan Xarakada Alshabaab oo ay ka joogaan gobolada Jubooyinka.
Ugu danbeyntii hadalkan ayaa imaanaya xili khilaaf uu ka jiro maamul u samaynta Magaalada Kismaayo oo dhinacyo badan tartan ugu jiraan sidii ay u maamuli lahayd magaaladaasi.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com