Wararka naga soo gaaraya Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug maamulka Puntland ayaa sheegay in Qabrigii uu ku duugnaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed la faaftay, lafihiisana banaanka loo soo bixiyay.
Lama oga cida soo faagtay qabuurihii uu ku duugnaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed, waxaana goobtii uu ku yaalay qabirga gaaray Saraakiisha maamulka gobolka Mudug ee Puntland oo u guur galaya xaaladaha Qabuurahaasi la faagtay.
Ilaa iyo hadda ma cada ujeedada ku jirta in qof mar hore dhintay qabriga looga daba tago lana soo faagto, waxaana la sheegay in lafaha lagu arkay banaanka iyagoo daadsan, taasoo cabsi ku abuurtay dadka shacabka ah iyo masuuliyiinta maamulka Puntland ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com