Xaalada Magaalada Kismaayo oo saaka dagan kadib qaraxyo xalay ka dhacay magaaladaasi.
Soomaalinews.com 03 Oct 12, 05:42

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in saaka xaalada magaalada dagan tahay, kadib markii habeenimadii xalay qaraxyo is xigixgay ay gilgileen magaalada.

Saldhiga, Xarunta Degmada iyo Garonka diyaaradaha oo fariisimo ay ka samaysteen Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa lagu weeraray qaraxyo, sidoo kale goobo ganacsi ayaa ka mid ah meelaha qaraxyada xalay lagu weeraray.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda waxay saaka bilaabeen howlgalo baaritaano ah oo ay kaga hortagayaan qaraxyadii xalay ka dhacay magaalada iyo falal kale amaan dari ah oo ka dhaca magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada Hoose.

Ugu danbeyntii Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ayaa si buxda kala wareegay xarakada Alshabaab gacan ku heynta magaalada Kismaayo maalintii shalay oo gudaha u galeeen Ciidamada Huwanta ah fariisimana ka samaystay dhowr xarumood.
a
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698