Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in magaaladaasi qarax culus laga maqlay, kaasoo lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliy.
Goobjoogayaal ku sugan Xaafada K-2 ayaa Soomaalinews u sheegay inay maqleen qarax Miino oo ka dhacay xaafada dhexdeeda, kaasoo lala bartilmaameedsaday Ciidamada Dowladda.
“Qaraxa waxa ka dhacay Xaafada lagu magacaabo K-2 halkaasoo ay ciidamada dowladda ku sugnaayeen” ayuu yiri qof ka mid ah dad goobjoogayaal ah oo u waramayay Soomaalinews.com.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sida uu qaraxa u dhacay iyo khasaaraha ka dhashay, wararka qaar waxay sheegayaan in qaraxa uu ahaa miino dhulka ku aasnayd, warar kalena waxay shegayaan in qaraxa bamgacmeed laga tuuray.
Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaasi, waxaana xiligii uu qaraxaasi dhacayay magaalada gudaha u soo galay Ciidamada huwanta ah.
Ugu danbeyntii Ciidamada dowladda Federaalka ayaa u diiday dadka shacaka ah inay gaaraan goobta qaraxa uu ka dhacay.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com