Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo la wareegay deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose.
Soomaalinews.com 02 Oct 12, 12:25

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo saaka ka dhaqaaqay Magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose ayaa qabsaday deegaano ka tirsan gobolkaasi.

Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose ee dowladda Federaalka Soomaaliya C/qaadir Maxamad Nuur Siidii oo la hadlay Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay inay Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda u dhaqaaqeen Dhanka Magaalad Baraawe.

C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa sheegay inay qabsadeen Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM deegaanad Janaale, Hntiwadaag, Buufoow iyo deegaao kale oo ka wada tirsan gobolka Sh/hoose.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay inay sii socon doonaan Howlgalada ciidamada ay ka wadaan gobolka Sh/hoose ilaa deegaanada gobolka kala wareegayaan Xarakada Alshabaab sida uu yiri.

Dhanka Xarakada Alshabaab oo dhaqdhaqaaqyo ka wada dhanka Magaalada Baraawe aa wali wax war ah ka soo bixin oo ku aadan wararka sheegaya in Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM la wareegeen deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698