Degmada Diinsoor Oo la Liic Liicaysa Sarakiishii Ugu Badnaa Al-shabaab
Soomaalinews.com 30 Sep 12, 10:13

Wararka ka imaanaya degmada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa sheegaya in caawa halkaasi ay gaareen saraakiil iyo maleeshiyo fara badan oo ka tirsan kooxda al-Shabaab, kuwaasoo wata gaadiidka dagaalka ee loo yaqaanno teknikada.

Qof ka tirsan dadka ku nool magaalada Diinsoor ayaa sheegay in ay soo gaareen magaalada ku dhowaad 20 tekniko ah oo ay saarnaayeen maleeshiyo iyo saraakiil ka tirsan al-Shabaab, kuwaasoo loo maleynayo inay yihiin kuwii xalay isaga baxay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.


Waxay deggeen saldhigga iyo duleedka degmada, iyadoo qaar ka mid ah maleeshiyadaasi ay billaabeen inay gaaf wareegaan waddooyinka, taasoo cabsi ku abuurtay dadka deegaanka.


Maleeshiyada al-Shabaab oo shantii sano ee la soo dhaafay ka talineysay magaalada Kismaayo ayaa xalay saqdii waxay isaga baxday magaalada, iyadoo ilaa hadda uusan jirin maamul rasmi ah oo ka taliya magaalada.


Ciidamada huwanta ah ayaa amar lagu siiyay inaaneyn gelin gudaha magaalada tan iyo amar dambe sababo la xiriira amniga, waxaa sidaasi sheegay abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, Jeneraal Cabdikariin Yuusuf Dhego-badan.

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698