C/wali Maxamed Cali Gaas Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda watigeeda uu dhamaaday oo maanta kasoo dagay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay xubno kamid ah Golaha wasiiradiisa.
C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho saxaafada uu kula hadlay waxaana uu ka hadlay Shirkii Qaramada Midoobay, Dagaaladii Kismaayo iyo Fatahaada wabiga Shabeele ee Gobalka Hiiraan.
Ugu horeyn ayaa wuxuu ka hadlay Shirkii uu kasoo qeybgalay ee kusoo dhamaaday Magaalada New york ee dalka Mareykanka isaga oo sheegay in shirkaasi uu ahaa mid arimo badan looga hadlay.
Wuxuu sheegay in shirka kasokoow uu ka qeybgalay shirar gaar gaar ah oo looga hadlaaye arimaha Soomaaliya islamarkaana dhamaan madaxdii uu la kulmay ay ugu hambalyeeyeen isbedelka dalka Soomaaliya ka dhacay.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda watigeeda uu dhamaaday C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay dagaaladii maalmihii ugu dambeeyay ka dhacay Gobalka Jubadda hoose.
Wuxuu sheegay in ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM uu ugu hambalyeeynayo sida uu sheegay guulaha ay ka gaareen Gobalka Jubadda hoose dagaalka ka socda gaar ahaan nawaaxiga Magaalada Kismaayo.
Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay C/wali Gaas fatahaadii wabiga shabeele uu ka geestay Gobalka Hiiraan gaar ahaan Magaalada Beladweyne ee Gobalkaasi.
Wuxuu tilmaamay in dadkaasi ay saameynta ku yeesheen fatahaada wabiga Shabeele loo baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu gargaaro.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda waqtigeeda uu dhamaaday C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maalmihii dambe wuxuu ku maqnaa dalka dibadiisa oo uu kaga soo qeybgalay shirka sanadlaha ah ee Qaramada Midoobay.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com