Wararkii ugu Dambeeyay ee Xaalada Magaalada Kismaayo
Soomaalinews.com 29 Sep 12, 08:42

Magaaladda Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubadda hoose ayaa Saaka wararka Naga soo Gaarayaa waxaa ay Sheegayaan in halkaasi ay Gibi ahaanba iskaga baxeen Ciidamadii iyo Maamulkii Al-Shabaab ee Ka arimin Jiray ku waas oo Xalay Saqdii Dhexe Baneeyay Magaaladda ,Wararka ayaa Sheegaya In Al-Shabaab ay Xalay Saqdii Dhexe Magaaladda ay yga Baxeen ilaa 3 Jaho iyagoo wata Gaadiidkooda Dagaalka waxaana ay Badankooda ku baxeen wada aada Dhanka Degmada Jilib ee Gobolka Jubadda Dhexe.



Dadka Kismaayo ku Sugan ayaa waxaa ay Xaqiijinayaan in Xalay 2.dii Habeenimo ay ka warheleen Iyadoo Magaalada Shabaabkii Maamulayay Iskaga baxeen waxaana Saaka ka Soconaya Xarumihii Maamulka ee Kismaayo sida Saldhiga Xarunta Degmada iyo Xafiisyadii Biliqo Xoogan oo ay Sameynayaan Dadka oo halkaas ay ku Xoomeen dad aad ufara badan .



Kismaayo ayaa Saaka la soo Sheegayaa in uusan ka jirin wax Maamul ah oo aysan Labada dhinac ee isku haysa Midkoodna uusan Gacanta ku hayn waxaana wali soo Galin Magaalada Ciidamadda Huwanta ah oo iyagu ku Sugan meel aan Sidaas uga Fogeyn .



Ka bixitaanka Magaalada Kismaayo ee Xarun Goboleedka Jubadda hoose waxaa ay Al Shabaab Uga dhigan tahay iyagoo iskaga baxay Guud ahaan Dalka Soomaaliya Sababtuna waxaa ay Tahay mida koowaad waxaa ay ahayd Magaaalada ugu weyne uguna istiraatiijisan ee ay Gacanta ku hayaan Al-Shabaab mida labaana waxaa ay u ahayd Al-Shabaab Magaalo Xeeb ku taala oo Kheyraadna uu ka soo galo hadii Xaalku ku Xumaadana ay Doomo uga Bixi kareen Hadase waxaa la dhihi karaa Al-Shabaab uma banana meel ay u baxaan .

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698