DAWLADA SOOMAALIYA OO SHEEGTAY IN LA WAREEGISTA KISMAAYO DOWLADDA MUHIIM UTAHAY
Soomaalinews.com 29 Sep 12, 08:35

C/wali Maxamed Cali Gaas Ra’iisul Wasaaraha waqtigiisu dhamaday ee dowladda Soomaaliya oo isaga oo ku sugan Magaalada Newyork ee dalka Mareykanka la hadlay TV-ga Al-Jazeera qeybta Englishka ayaa wuxuu sheegay in qabsashada Magaalada Kismaayo Dowladda Soomaaliya ay muhiim u tahay.


C/wali Gaas ayaa wuxuu sheegay in hadii Ururka Al-Shabaab laga qabsado gacan ku haynta Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda Hoose dowladda Soomaaliya ay taasi u tahay guul weyn oo usoo hooyatay.


Wuxuu sheegay in Ururka Al-Shabaab uu dhaqaalo fara badan kasoo galo dekeda Magaalada Kismaayo hadii lagala wareegana uu meesha ka baxayo dhaqaalahaasi soo gala.Magaalada Kismaayo ayaa hada waxaa ku loolamaya gacan ku haynteeda ciidamada Dowladda Soomaaliya oo garab milatari ka helaya kuwa Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM iyo Ururka Al-Shabaab.



Kismaayo ayaa maalmihii dambe waxaa lagu garaacaye duqeyn dhanka cirka iyo badda ah oo ay ugeesanayeen diyaaradaha dagaalka dowladda Kenya iyo maraakiibteeda.

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698