Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho waxa uu ka wadaa kulamadii ugu dambeeyay ee uu kusoo xulanaayo ra段isul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, waxaana kulamadaasi uu la qaadanaayaa qeybaha kala duwan ee bulshada.
Madaxweynaha ayaa haatan waxa uu xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya kulan kula leeyahay waxgarad badan oo doonaaya in iyana aragtidooda ay ku biiriyaan madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si uu usoo magacaabo ra段isul wasaare.
Waxaa si aad ah usoo batay dhamaan musharaxiinta u taagan xilka ra段isul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoona madaxweynaha uu aad ugu wareeray cidda uu xilkaasi usoo magacaabi lahaa.
Soomaaliya waxaa xilligaan ka jira marxalad aan caadi ahayn, waxaan ra段isul wasaaraha xilligaan lasoo magacaabi doona laga filaayaa in uu noqdo nin kasoo bixi doona waajibaadkiisa maadaama xilligaan shaqada looga baahanyahay shaqsigaasi ay tahay mid aad iyo aad u adag.
Si kastaba ha ahaatee waxaa maalinba maalinta ka dambeesa madaxweynaha uu kusii jahwareerayaa cidda uu ka dhigi lahaa ra段isul wasaaraha Soomaaliya, iyadoona aan la ogeen cida sida rasmiga ah xilkaasi loogu soo magacaabi doono.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com