Iyadoo wali magaalada kismaayo ee xarunta Gobalka jubada hoose si buuxda aaney usoo galin ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Kenya marka laga reebo xaafadaha qaar ee Magaalada oo ay ku sugan yihiin ciidamada ayaa waxaa saraakiisha dowlada Soomaaliya ay digniin u jeediyeen shacabka Kismaayo.
Taliyaha ciidamada Dowlada Soomaaliya ee gobalada Jubooyinka Ismaaciil Saxardiid oo la hadlayay qaar ka mid ah warbaahinta magaalada muqdisho ayaa waxaa uu uga degay shacabka magaalada Kismaayo iney boob iyo biliqo ka geystaan guriyaha ay leedahay Dowlada Soomaaliya.
Saxardiid ayaa waxaa uu sheegay in aan loo baahneyn in shacabka Magaalada kismaayo ay bur buriyaan xarumaha la doonayo inuu ku shaqeeyo maamulka Dowlada Soomaaliya ee loo sameynayo Magaalada kismaayo,isagoona shacabka ka codsaday iney joojiyaan boobka ay ku hayaan magaalada.
Taliyaha ciidamada Dowlada ee jubooyinka ismaaciil Saxardiid ayaa sheegay in shacabka magaalada Kismaayo looga baahanyahay iney is dajiyaan oo dul qaad ay muujiyaan inta buu yiri ay magaalada saacadaha soo socda kasoo galayaan ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Kenya.
Isagoo hadalkiisa wata ayaa tilmaamay taliyaha in shabaab guud ahaanba magaalada xeebta leh ee Kismaayo ay ka baxeen xalay,islamarkana haatan magaalada ay kusoo fool leeyihiin ciidamada Dowlada Soomaaliya,waxaana uu sheegay in ciidamo ka tirsan kenya ay ku jiraan Magaalada oo miino baaris haatan ay ka wadaan.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com