Mas”uuliyiin ka tirsan Dhaq Dhaqaaqa Al-shabaab oo Saaka ka hadlay Idaacd Afkooda ku Hadasha oo ku taala Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubadda hoose ayaa waxaa ay Qireen In Ciidamada Dowladda iyo kuwa Kenya ay Soo Galeen Qaybo ka Mid ah Magaalada Kismaayo waxaana ay intaa ku dareen in ay Sii wadayaan iska Caabinta ay kala soo horjeedaan .
Cabdi Casiis Abuu Muscab Afayeenka Ciidamada Al-Shabaab oo toos uga hadlay Idaacada Al-Andaluus lagu Magacaabo ee Ku hadasha Afkooda ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada huwanta ah ay Xalay Saqdii Dhexe Maraakiib ka soo Daadisay Xeebta Magaalada Diyaarado dhowr ahna ay Dul heehaabayaan Magaalada Ciidamaduna ay iska Caabin kala hortyageen ayna sii wadayaan .
Waxaa uu ugu Baaqay Abuu Muscab Qaybaha kala Duwan ee Shacabka Kismaayo iyo Ciidamadiisa intaba in aysan Cabsi Muujin oo ay ka Hortagaan Ciidamada is garab sanaya ee Soo galay qaybo ka mid ah Magaaladaasi Kismaayo
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com