Waraka naga soo gaaraya Magaalada Baladweyenee ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa ay sheegayaan in ay halkasi ka dheceen Fatahaad uu sameeyay Wabiga Shebeelle. Wararka waxaa ay sheegayaan ka dib Roobab ka Da,ay Gobolkaasi Hiiraan ay saameyn ku yeelatay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolkaasi Maadama Webiga Magaaada uu ku soo fatahay Gudaha Magaalada .
Goob jooge ku sogan Magaalada Baladweyen ayaa Idaacaddaha u Xaqiijiyay in Saddex Xaafadood oo kamid ah Magaaladaasi uu ku Fatahay Webiga isagoo sheegay in ay saameyn Badani ka soo gaaray Dadkii Daganaa Xaafadahaasi.
Waxaa uu sheegya in Xaafadaha Kutiimbo,Laaska iyo Xaafadda Buundo Weyn uu wabiga aad ugu fatahay waxaa uu sheegya in Dadkii Daganaa Xaafadaasi ay isaga Barakeceen sida uu tilmaamay.
waxaa uu sheegay in Saaka ay kacsantahay Xaaladda Magaalada Baladweyne isla markaasi Qof waliba ay baadi goobeyso Goob ay Gabbaad ka dhigato isagoo xusay in Daadadkani ay yihiin kuwii ugu Xumaa ee soo amara Magaalada .
Walibaga Shabeelle ayaa isagu ka mid ah Wabiyada Mara Qaar ka mid ah Gobolada Dalkeena sida Shabeelooyinka iyo Gobolka Hiiraan Xilliyada qaar sida Xilliyada Roobabka ay ka Da,aan gobolladaasi waxaa uu sameeya Fatahad
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com