Madaxweynihii hore Dowladda KMG oo Deganaansho laga siiyay Dalka Uganda.
Soomaalinews.com 28 Sep 12, 10:26

Wararka laga helayo dadka ku dhow madaxweynihii hore ee dowladda kmg Sheekh Shariif SHeekh Axmed ayaa sheegaya in Shariif SHeekh Axmed iyo qoyskiisa ay isku diyaarinayaan inay u guuraan dalka Uganda.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo qoyskiisa deganaansho ay siisay dowladda Uganda isagoo magaalada Kampala looga diyaariyay gurigii uu ka dagi lahaa.


Shariif sheikh axmed iyo labadiisa xaas iyo caruurtiisa ayaa la sheegay in dowladda Uganda ay siisay magangalyo deganaansho ah iyadoo magaalada Kampalada guri ku yaalla la siiyay Shariif Sheekh Axmed halkaas oo uu ku noolaan doonno..


Madaxweynihii dowladda Kmg Shariif Sheekh Axmed ayaa saaxibo dhow ah Madaxweynaha Uganda Yewri Musavani kaas oo ka taliya dalka Uganda waxaana madaxweynaha Uganda Yuweri uu ka caawiyay dowladdii shariif Sheekh axmed dhinacyo badan oo ay ugu horeyso dhanka amaanka.


Ma ahan madaxweynihii ugu horeeyay ee dalka Somalia oo marka xilka ka dego uu u guuro dal kale waxana horey sidas u sameyay C/qaasim Salad Xasan oo ku nool Masar,C/laahi Yuusuf Axmed oo Yemen deganaansho laga siiyay laakin geeriyooday goor dambe iyadoo Shariif Sheekh Axmed ay deganaansho siisay dowladda Uganda oo ciidamada ugu badan midowga afrika ay Somalia ka joogaan.

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698