Diyaarado dagaal oo duqeeyey magaalada Kismaayo.
Soomaalinews.com 27 Sep 12, 08:54

Diyaarado sida la sheegay ay leeyihiin Ciidamada Cirka dalka Kenya ayaa maanta duqeymo xoogan ka geystay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

Diyaaradaha dagaal ayaa la sheegayaa inay ka soo dul kicitimayaan Maraakiib dagaal waxayna dhowr gantaal ku dhufteen magaalada, ilaa iyo haddana lama garanayo khasaaraha ka dhashay duqeyntaas.

Dhowr gantaal ayay diyaaraduhu ku dhufteen dhowr goobood, waxaana la arkayaa uuro, lamana garanayo khasaaraha iyo goobaha duqeynta ku hoobanaya.

Ilaa iyo hadda ma jiraan masuul ka tirsan Xarakada Alshabaab oo ka hadlay duqeynta maalintii saddexaad Maraakiibta iyo diyaaradaha Kenya ka wadaan magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada Hoose.

Warkan wixii ku soo kordha la soco.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698