Dagaallo culus oo u dhaxeeya Ciidamada Xarakada alshabaab iyo ciidamada Kenya oo ay ka bar bar dagaalamayaan Ciidamada dowladda, Raaskambooni ayaa ka soconaya deegaano hoostaga magaalada Kismaayo.
Dagaalka waxa uu ka socdaa deegaanka Janaay Cabdalla oo duleedka kaga beegan magaalada Kismaayo, iyadoona labada dhinac dagaalada u adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Ilaa iyo hadda lama oga qasaaraha kala gaaray labada ciidan, waxaana la maqlayaa daryanka madaafiicda iyo hubka kale labada dhinac dagaalada ka socda duleedka Kismaayo u adeegsanaya.
Warkan wixii ku soo kordha la soco.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com