Somaliland oo ka hadlay dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed iyo mida amni ee magaalada Muqdisho.
Soomaalinews.com 27 Sep 12, 06:52

Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed iyo mida amni ee koonfurta dalka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Wasiirka arimaha gudaha ee maamulka Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur oo ka hadlaaye kulanka labada gole ee Maamulka Somaliland ayaa wuxuu sheegay in dhamaan dhaqdhaqaaqyada ka jira Magaalada Muqdisho maamulka Somaliland saameyn ay ku leedahay.

Wuxuu sheegay wasiirka inuu aad ula socdo siyaasada Dowladda Soomaaliya, Somaliland ay arimahaasi ay saameyn ku yeelanayso hadii ay tahay dhanka ammaanka, siyaasada iyo arimaha kale.

Wasiirka arimaha gudaha ee Maamulka Somaliland ayaa sidoo kale ka hadlay isticmaalka Baasaboorada Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Somaliland ay isticmaalayso baasaboorkii hore ee cagaarka ahaa sida uu sheegayna wasiirka ay ka aqbaleen masuuliyiinta diyaaradaha caalamka ka shaqeysa inay ku safraan baasaboorkaasi.

Maamulka Somaliland ayaa horay usheegay inay ka go’een Soomaaliya inteeda kale islamarkaana ay yihiin maamul ka madaxbanaan Soomaaliya inteeda kale.

Ugu danbeyntii dhowr mar ayaa waxaa dhacay wadahadalo dhexmara Maamulka Somaliland iyo masuuuliyiinta dowladdan tii ka horeysay hayeeshe wadahadaladaasi aysan waxba miro dhalin.

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698