Maamulka gobolka Banaadir oo sheegay inay dad badan u soo qabqabteen Amni darida ka jirta Muqdisho.
Soomaalinews.com 27 Sep 12, 06:14

Guddoomiye ku xigeenka dhanka Amaanka maamulka gobolka Banaadir Warsame Maxamad Xasan Warsame Joodax oo la hadlay warbaahinta magaalada ayaa sheegay inay dad fara badan u soo qabqabteen falalka amaan darida ah ee ka jirta magaalada Muqdisho.

Warsame Joodax ayaa sheegay dadka ay soo qabqabteen inay la xiriirinayaan dilalkii ugu dambeeyey ee ka dhacay magaalada Muqdisho maalmihii ugu dambeeyey.

Guddoomiye ku xigeeka Amniga gobolka Banaadir wuxuu sheegay in ragga la soo qabtay lagu sameynayo baaritaano islamarkaana baaritaanadaasi laamaha amaanka gacanta ku hayaan, cidii dambi lagu helana maxkamad la soo taagi doono.

Wuxuu sheegay inay ku dadaalayaan sugida Amaanka magaalada muqdisho oo maalmihii dambe faraha ka baxay amaanka kuna soo kordheen dilalka iyo qaraxyada.

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698