Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay ciidamada maamulka Puntland gacanta ku dhigay Afhayeenkii ururka Xizbul Islaam ee dhawaan sheegay inay ka goeen Xarakada Alshabaab oo horay beeco ula galeen.
Afhayeenkan oo lagu magacaabo Maxamad Macalin ayay Ciidamada Amaanka Maamulka Puntland ay ku qabteen Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, xili uu doonayay inuu ka dhoofo garoonka diyaaradaha magaaladaasi.
Wararka waxay sheegayaan in Maxamad Macalin lala qabtay mas’uuliyiin kale oo ku wehliya socdaalka Gaalkacyo ku joogaan, laakiin lama sheegin magacyada xubanaha kale ee wehliya.
Maxamad Macalin ayaa dhawaan sheegay inay ka go’een midowgii ay la galeen Xarakada Alshabaab ayna diyaar u yihiin ka Xizbul Islaam ahaan inay la hadlaan dowladda Cusub ee Soomaaliya.
Xalay ayay ku hoyden xabsiga lamana oga go’aanka maamulka Puntland ka qaadan doonaan Afhayeenkii maamulka Xizbul Islaam ee horay ula midoobey Xarakada Alshabaab.
Ugu danbeyntii Saraakiisha maamulka Puntland ayaa ka gaabsaday inay ka warbixiyaan xariga masuulkaasi, balse waxay ku gaabsadeen inay wadaan baaritaano marka uu soo dhammaado kadibna warbaahinta la hadli doonaan.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com