Maamulka Puntland oo uga digay dadweynaha maamulkaasi inaan laga hadli Karin muddo kororsiga Faroole.
Soomaalinews.com 26 Sep 12, 16:47

Maamulka Puntland ayaa uga digay dadka shacabka ah ee ka soo jeeda deegaanada maamulkaasi muda kororsiga halka sano ah ee uu dhawaan ku dhawaaqay Madaxweynaha maamulkaasi C/raxmaan Sheekh Maxamad Faroole.

Wasii ku xiggeenka Amniga maamulka Puntland C/Jamaal Cismaan Maxamad oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa uga digay dadweynaha Reer Puntland in aan laga hadli Karin mudo kororsiga halka sano ah ee uu dhawaan shaaciyey Madaxweynaha maamulkaasi C/raxmaan Faroole.

C/Jamaal waxa uu sheegay in tilaabo laga qaadi doono cidii ka hortimaada mudo kororsiga Faroole lana waafajin doono sida sharciga waafaqsan sida uu yiri.

“Dastuurka Puntland waxa uu sheegayaa in madaxweynaha muddo shan sano ah xilka uu heyn doono, kuma qorna dastoorka in waqti la iska qaado” ayuu yiri isagoo hadalo kulul oo hanjabaad ah u jeediyey siyaasiyiin uu sheegay inay ka jorjeedaan maamulka Faroole.

Ugu danbeyntii Wasiir ku xigeenka Amniga maamulka puntland C/Jamaal Cismaan waxa uu sheegay in maamulka uu wado nidaaam Asxaab ku salaysan oo dadka u horseedaya Dimuqraadiyad.

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698