Wararkii ugu dambeeyey magcaabista Raisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo lagu wado in lagu dhawaaqo.
Soomaalinews.com 24 Sep 12, 07:11

Waxaa socda dedaaladii ugu dambeeyay ee uu Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ku soo magcaabayo Raiisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, waxaana kulamo arrintaasi ku saabsan uu la yeeshay Madaxweynuhu xildhibaanada, beelaha iyo qeybaha kala duwan ee siyaasiyiinta Soomaaliyeed, kuwaas oo uu kala hadlay shaqsiga ugu haboon ee uu u soo magacaabayo xilkaasi.

Madaxweynaha oo todobaadkan oo dhan waday la tashiyo ku aadan magacaabista Ra段sul wasaaraha cusub ayaa la sheegay in shalay iyo xalay uu yeeshay kulamadii ugu dambeeyay ee uu ku soo magacaabi lahaa, waxaana la sheegay inuu la kulmay rag ay ka mid ahaayeen Prof. Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, Prof. Cali Khaliif Galeyr, Maxamed Cabdulaahi Oomaar iyo Ra段sul wasaarihii hore Maxamed C/laahi Farmaajo, sidoo kalena waxa uu la kulmay rag ay ka mid yihiin Prof. Doodishe, Cabdi Barre, C/waaxid Cilmi Goonjeex, Maslax Maxamed Siyaad Barre, Maxamed iyo mas置uliyiin kale.

Si dhab ah looga oga waxa rasmiga ah ee ka soo baxay kulankaasi, balse waxaa loo maleynayaa inay ka wada hadleen sidii ay Madaxweynaha u gala talin lahaayeen mas置ulka ugu haboon ee noqon kara Ra段sul wasaaraha dalka, waxaana soo baxaya warar kala duwan cidda loo magacaabayo Ra段sul wasaaraha cusub oo la sheegay inuu ka imaan doono beesha daarood, gaar ahaan Sade Daarood iyo Harti Daarood.

Isla wararka hoose ee aan helayno ayaa sheegaaya in soo magcaabista Ra段sul wasaaraha arrimaha hortaagan ay qeyb ka tahay arrinta qabshada iyo maamulidda magaalada Kismaayo oo ay ku muransanyihiin beelaha la filaayo in uu kas oo baxo Ra段sul wasaaraha cusub ee Sade Daarood iyo Harti Daarood.
Madaxweynuhu wuxuu ogsoonyahay in xulashada Ra段sul Wasaaraha cusub tilmaan weyn ka bixin doonto jihada uu maamulkiisu u dhaqaaqi doono, siyaasadda uu dalka ku hagi doono iyo waxyaabaha uu muhiimadda uu siin doono, iyadoo ay wakhtigii xullidda Ra段sul wasaaraha cusub ay ka harsantahay muddo laba usbuuc ah, waxaana lagu wadaa in maalmaha ama saacadaha soo socda lagu dhawaaqo.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698