Faahfaahin: Ciidamada Kenya oo dad rayid ah ku xasuuqay gobolka Jubada Hoose.
Soomaalinews.com 24 Sep 12, 06:55

Ciidamada Kenya ayaa shalay gelinkii dambe dad rayid ah ku xasuuqay deegaan duleedka ka xiga Birtadheer ee gobolka Jubada Hoose, iyadoo faahfaahino dheeraad ah laga helayo xasuuqa dadkaasi shacabka ah.

Inta la ogyahay 9 qof oo rayid ah ayay ciidamada Kenyaatigu shalay si bareer ah ugu toogteen degaankaasi, kagadaal markii ay rasaas ku fureen.

Sidoo kale waxaa dhaawacmay saddex qof oo kale, waxaana dadkaasi dhaawacmay la gaarsiiyey Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada Hoose.

Dadkaan ay Kenya xasuuqday ayaa ahaa dad reer miyi ah oo biyo ka dhaansanayay ceel ku yaalla duleedka deegaanka Janaa-cabdalle, halkaasoo ay Ciidamada Kenya si bareer ah rasaas ugu fureen dadkaasi.

Sargaal lagu magacaabo Aadan Maxamed Xirsi ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidamada Kenya ay xasuuq baan ku hayaan dadka rayidka ah ee ku nool deegaanada ay ku sugganyihiin, isagoo intaasi ku daray in tirada dadka rayidka ah ee ay Ciidamada Kenya laayeen intii ay dalka soo galeen ay kor u dhaafeyso 100 qof.

Ugu danbentii ma ahan markii ugu horeysay oo ay Ciidamada Kenya dad shacab ah ku xasuuqaan gobbolada Jubbooyinka iyo Gedo oo ay ku sugganyihiin.

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698