Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha Ciidamada Itoobiya ka soo gaaray qarax xalay fiidkii lagula eegtay Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Qaraxa oo ahaa Miino dhulka lagu aaso ayaa Ciidamada Itoobiya lagu weeraray, waxaana la sheegay in ciidamadaasi khasaare dhimasho iyo dhaawac ka soo gaaray qaraxaasi.
Laba askari ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyey inay geeriyoodeen, halka 9 askari ay ku dhaawacmeen qaraxaasi miino ee lala eegtay Ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.
Ciidamada Itoobiyaanka ah qaraxa kadib waxay howlgalo ka sameeyeen xaafadaha magaaladaasi, waxayna xabsiga u taxaabeen dad badan oo rayid ah.
Ugu danbeyntii xaalada Magaalada Baladweyne ayaa saaka dagan, iyadoo howlaha ganacsiga iyo isku socodka dadka uu caadi yahay.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com