Maanta ayaa waxaa Magaalada Muqdishop lagu aasay Xilibaan Mustaf Xaaji Maxamed oo ay xalay kooxo kuhubeesnaa Bastoolado ay kudileen Magaalada muqdisho gaar ahaan Dagmada Waabari ee Gobolka Banaadir.
Aaskaan maanta ayaa waxa uu ka dhacay Qabuuraha Macalin Suufi oo kuyaal Degmada Wardhiigley ee Gobalka Banaadir waxaana kasoo qeebgalay Masuuliyiin katirsan Dowlada Soomaaliya iyo Dowladii uu waqtigeeda idlaaday oo uu kamid ahaa Madaxweynihii hogaaminaayay Dowladaasi Shariif Shiikh Axmed Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cusmaan Jawaari iyo labadiisa ku xigeen iyo sidoo kale Masuuliyinkale oo aad u badnaa.
Madaxweynihii hore ee Dalka Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo halkaasi warbaahinta kulahadlay ayaa waxa uu ugu horeentii u tacsiyeeyay ehelada iyo qaraabada uu ka geeriyooday Xildhibaan Mustaf Xaaji Maxamed waxaana uu ugu baaqay Bulshada Soomaaliyeed in ay iska cafiyaan Xilibanaankaan Geeriyooday.
Sidoo kale waxaa isna lahadlay warbaahinta Sheekh C/qaadir Soomoow ayaa waxa uu sheegay dhankiisa in uu ugu baaqayo Dowlada Cusub ee Soomaaliya in ay xilweyne iska saarto sugida amaanka Magaalada Muqdisho si loo hakiyo dilalkaan sookordhay labadaan maalin.
Xildhibaan Mustaf Xaaji Maxamed Allaha unaxariistee waxaa xalay kooxo kuhubeesnaa Baskoolado ay kudileen Magaalada Muqdisho gaar ahaan Dagmada Waabari xili uu ku sugnaa halkaasi.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com