Amaanka Magaalada Muqdisho ayaa noqday mid aan la isku halayn Karin 48-saac ee la soo dhaafay, kadib markii ay dhaceen Dilal iyo qaraxyo ay ku dhinteen dad aad u fara badan.
Kooxo hubaysan waxay Xaafada Suuqa Xoolaha ku dileen laba wiil, iyadoo dilkaasina ka dhacay nawaaxxiga masaajidka Sheekh Cabdi Raxmaan Xaafada Gantaalaha.
Dhalinyarada la dilay ayaa la sheegay inay ahaayeen saaxiibo, waxaana la sheegay in lagu dilay goob Maqaaxi ah oo ay wada joogeen.
Dilka kadib waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya, howlgalo ay ka sameeyeen goobta dilka uu ka dhacay kuma aysan guuleysan inay soo qabtaan kooxihii ka dambeeyey falkaasi dilka ah.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com