Qeybaha kala duwan bulshada Soomaaliyeed oo baaq muhim ah u jeediyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Soomaalinews.com 23 Sep 12, 10:17

Iyadoo Amaanka magaalada Muqdisho uu faraha ka sii baxayo malinba maalinta ka sii dambeysa, islamarkaana la filayo in maalmaha soo socda lagu dhawaaqi doono Raiisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya ayaa qeybaha kala duwan bulshada Soomaaliyeed baaq muhim ah u jeediyeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Qeybaha kala duwan bulshada Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in xilka Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya u soo magacaabo Maxamad C/laahi Maxamad Farmaajo oo ay ku tilmaameen inuu yahay Nin Qaran oo Daacad ah islamarkaana dalka mudadii yarayd ee uu xilka hayay wax badan ka qabtay arrimaha Soomaliya.

Dad badan oo ay ka mid yihiin Musharaxiintii guuldareystay iyo Qurba joog ayaa u yimid magaalada Muqdisho sidii ay ku heli lahaayeen xilka Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya, laakiin bulshada Soomaaliyeed waxay doorbidayaan in xilkaasi Madaxweynaha u soo magacaabo Maxamad C/laahi Maxamad Farmaajo.

“Xilka Ra’iisul Wasaarenimo waxaa u qalma Farmaajo waa Nin wadani ah wax qabadkiisa waan aragnay, xaalada Somaaliya gaar ahaan Muqdisho sida ay maanta tahay waad u jeednaa, madaxweynaha haddii uu bulshadiisa ee uu ka yimid tixgalinayo ha doorto Farmaajo waayo waa aan hubnaa in wadanka uu wax badan ka badalayo” ayay yiraaheen qeybaha kala duwan bulshada soomaaliyeeed.

Sidoo kale qeybaha kala duwan bulshada Soomaaliyeed waxay uga digeen Madaxweynaha inuu dib u soo celiyo Ra’iisul Wasaarihi ugu dambeeyey dalka C/weli Maxamad Cali Gaas oo safka hore kaga jira xubnaha u taagan xilkaasi, iyagoo ku eedeeyey inuu ku fashilmay mudadii uu xilka hayay arrimo fara badan oo jira aawadeed sida ay hadalka u dhigeene.

Ugu danbeyntii baaqan ka soo baxay qeybaha kala duwan Bulshada Soomaaliyeed ayaa imaanaya xili Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku mashquulsan yahay xulista Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaliya oo xubno fara badan u taagan yihiin, laakiin Bulshada Soomaaliyeed waxay si aad ah u danaynayaan oo ay codsanayaan in la soo magacaabo Maxamad C/laahi Maxamad Farmaajo.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698