Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaliya Prof Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si kulul u cambaareeyey falkii xalay lagu dilay xildhibaan Mustaf Xaaji Maxamad oo kooxo hubeysan ku toogtay Degmada Waaberi.
Haddaba nuqul ka mid ah Warsaxaafadeedka oo soo gaaray Soomaalinews.com waxa uu u qornaa sidan Hoos ku qoran:
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliyeed Mudane Xasan Sh. Maxamuud ayaa cambaareeyay dilkii xaq dar ada ahaa ee caawa loo geystay mid ka mid ah Xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed AUN Mudane Xaaji Mustafa Maxamed Cabdullahi oo ka mid ahaa xubnaha Barlamaanka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoskii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay masuul qaran.
Madaxweynaha ayaa hay’adaha amniga ku war galiyay in ay dardar-galiyaan sugida amniga, asagoo sidoo kalana hoosta ka xariiqay muhiimada amingu ku leeyahay qorshe siyaasadeedkiisa si looga hortago dilalka guracan ee markasta loo geesto shacabka iyo masuuliyiinta qaranka.
Ugu dambayn, waxuu Madaxweynahu alle uga baryayaa Xildhibaan Mustafa Maxamed Cabdullahi in uu janadi rabi ka waraabiyo, samir iyo iimaana ka siiyo eheladii uu ka tagay.
Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilaahi Raajicuun
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com