Iyadoo amaaanka magaalada Muqdisho sii xumaanayo ayaa waxaa magaalada ka socda maalintii labaad howlgalo ay wadaan ciidamada Booliska, PS-ta iyo kuwa Militariga Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Degmooyinka shalay ilaa iyo saaka howlgalada ka socdaan waxaa ka mid ah degmooyinka Yaaqshiid, Hodon, Waaabari, Boondheere, Wardhiigley iyo shibis oo ka wada tirsan Magaalada Muqdisho.
Ciidamadan sidoo kale wadooyinka laamiga ah ee degmooyinkasi ayaa lagu arkaya iyagoo gaadiidka dadweynaha iyo kuwa sida gaarka ah loo leyahay istaaainaya kuna amraya in dadka ay soo dagaan, kuna samaynaya baaris xoogan.
Saacadihii la soo dhaafay magaalada muqdisho 48 saac ee uu ugu dambeysay waxaa ka dhacay dilal iyo qaraxyo kala duwan oo loo geystay masuuliyiin dowladeed, Wariyayaal, Askar ka tirsan dowladda, dad rayid ah iyo ganacsato.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com